Abtirsi
Sh. Muhumed GABOBE AMIR
Waxaa ku Daray: GabobeXasuso Shaqsigan
Barnaamijka TAARIIKHDA
SHEEKH MUXUMED GABOOBE CAAMIR ……. Qaybtii 1aad(part I)
Awoowo Sh Muxumed Gaboobe Caamir Allaaya raxma , waxa uu ku dhashay deegaanka Shabeelle ee duleedka magaalada Gabiley , midabkiisu waxa uu ahaa Maarriin , dhererkiisuna dhex dhexaad ; Sheekh Muxumed Gaboobe waxa uu ahaa shakhsi illaahay ku manaystay Asluub , xishood , cadaalad , waxa uu ahaa shaqsi dadka iyo ehelka soo dhaweeya , dhoola cadayn badan .
Sh Muxumed Gaboobe waxa uu guursaday shan Dumar ah , waxana uu ifka kaga tagay 18 Caruura , 10 wiil iyo 8 hablood .
1. C/samad 2. Sacad 3. Khadra 4. Maryan 5. Axmed 6. Nimco 7. C/laahi 8. C/risaq 9. C/ladiif 10. C/casiis 11. C/qani 12. C/wahaab 13. C/xakim 14. Fatxiya 15. Amina 16.Khadra 17. Gudoon iyo 18. Samsam .
Hooyadii waa Muslimo , oo ahayd Xusseen Abokor , Bah gobo ahayd .
Sh Muxumed Gaboobe , waxa uu yaraantiisii Quraanka ka bilaabay Deegaanka Shabeelle waxana Quraanka u bilaabay oo macalin u ahaa Sh Cali Caynaanshe Cabsiiye Nuur , waxana ay isku arday ahaayeen oo quraanka wada baran jireen Aw Faarax Colow Caamir(Mujahid Dhuxul iyo Maxamed Aabahood) , Aw Ismaaciil Xirsi Caamir(Budul Aabihii ).
Aabihii GABOOBE CAAMIR waxa uu ku siyaartay kuna sharfay xoolo uu siiyay Sh Cali Caynaanshe oo ahaa macalinkii Sh Muxumed, waxana uu waydiistay inuu Wiilka ugu duceeyo inuu caalim noqdo , Sheekhiina wuu u duceeyay.
Sheekhu waxa uu waxbarashadiisii ka sii watay Magaalada Adari(Herer) ee dalka Itoobiya , halkaa oo uu ka korodhsaday aqoon diini ah oo sare , waxa kale oo u safray magaalada Muqdisho oo inta labada magaalada u dhaxaysa uu sii maray oo ninkasta oo cilmi loogu sheego uu ka cilmi korodhsaday .
Sheekhu waxa uu noqday caalim wayn oo dhinaca diinta iyo sharciga wax laga waydiiyo oo afarta mad-habood ba ka jawaaba .
Intaa kadib , markii uu Sheekh Muxumed Gaboobe cilmi daalib kii dhamaystay , waxa uu tagay deegaanka Nagayle ee xadka Kiiniya iyo Itooobiya , halkaa ayuu Sheekhu ku guursaday xaaskiisii kowaad ee SIDCIYO oo ahayd Xussen Abokor , Nuux Ismaciil , waxay dhashay Sacad iyo C/samad .
Sh Muxumed Gaboobe waxa uu halkaa ka bilaabay Ganacsi waxa uu ku lahaa 3 Baabuur oo nooca ganacsiga ah iyo 300 neeef oo LO’ ah .
Waxa kale oo uu Xaakim(QAADDI) ka noqday magaalada Nagayle.
Sheekhu waxa uu sidoo kale halkaa ku guursaday Xaaskii Labaad , Caasha oo ahayd Habar yoonis , Ba dhulbahante , waxana ay u dhashay Khadra , oo hada daggan Magaalada Hargaysa , xaafada Calaamadaha una dhaxday reer abtigeed , Habar yoonis .
Sheekhu in badan ayuu halkaa daganaa ,waxana u hana qaaday wiilashiisii laakiin waxa halkaa lagu dilay wiilkiisii Sacad ,allaaya raxma , waxana uu go’aansaday inuu dhulkiisii Hooyo ku soo guryo noqdo , sidii baanu ku yimid Gabiley , Somaliland .
Sheekh Muxumed Gaboobe waxa halkaa ku soo dhaweeyay ehelkiisii .
Sheekh Muxumed waxa uu si fudud ula qabsaday noloshii waxa na uu halkaa ku guursaday xaaskii 3aad ee Faadumo oo ahayd Samaroon , reer Nuur , waxa na ay u dhashay 1. Axmed 2. Maryan 3. Nimco .
Sheekh Muxumed Gaboobe waxa uu QAADDI ( XAAKIM ) ka noqday Gabiley , Boorama iyo Wajaale .
Waxa uu ahaa sida taariiikhdu xustay , xaakim kii ama Qaaddigii ugu cadaaladsanaa ee soo mara magaalooyinkaa , xukun uu riday oo la jabiyay na aanu jirin , dadkuna ku qanci jireen , xukunkuna halkiisa dhigi jiray , taasina wuxuu ku kasbaday cilmigii iyo xeel dheeri nimadii uu u lahaa diinta islaamka iyo sharciga.
Sheekh Muxumed Gaboobe wuxuu noqday Sheekhul baladka magaalada Gabiley iyo Imaamka Masjid Jaamaca Magaalada Gabiley oo khudbada Jimcaha ka akhriyi jiray .
Culumada deegaanka Gabiley wixii masalo cilmiya ee ku adkaata waxay ula iman jireen Sheekh Muxumed Gaboobe .
Waxa iyadana xaqii u yimid xaaskiisii hore ee Faadumo oo geeriyootay , allaaya raxma , waxana Sheekh Muxumed uu guursaday xaaskiisii 4aad , Maryan Muse oo hada ku nool Gabiley oo ay walaalo ahaayeen Xaaji Daahir Muuse allaaya raxma , oo ahaa Sheekha lagu siyaarto Jufada .
Hooyo Maryam waa Hooyo aad u wanaagsan oo dadka iyo ehelka aad u xidhiidhisa .
Hooyo Maryan Muuse , waxay dhashay 7 wiil iyo gabadh oo kala ah
1. C/laahi 2.C/risaaq 3. C/ladiif 4. C/casiis 5. C/qani 6. C/wahaab
7. Fatxiya 8. C/xakiim
Waxa yaraan ku dhintay C/casiis iyo C/qani oo 7 jir iyo 5 jir kala ahaa .
Sh Muxumed Gaboobe markii uu Qaadiga ka ahaa Gabiley , waxa uu qaabil sanaa xafiiska shareecada Islaamka , waxa kale oo jiray xafiis kale oo sharciga dowlada wax ku xukumi jiray oo Xaakim dowlada ka socdaa fadhiisan jiray .
Markii dowladii Military ga ahayd dhalatay , ayaa Sh Muxumed loo soo jeediyay inuu labada xafiis ba la wareego oo mid ba 3 cisho ka shaqeeyo , Sh Muxumed Gaboobe arrintaa wuu diiday , waxaanu soo jeediyay inuu wax shareecada ka baxsan aanu ku xukumayn , oo xeer kale aanu ku shaqaynayn .
Sh Muxumed Gaboobe sidii buu kaga tagay Maxkamadii Shareecada ee Dowlada .
Sh Muxumed Gaboobe waxa uu gurigiisa ka furtay xafiis qaabilsan Xukunka Shareecada Islaamiga ah , dadkii xukunka Islaamiga ah danaynayay na ugu iman jireen xafiiskiisa .
Sheekhu wuxuu ku helay shacbiyad badan , cid kasta oo u timaada na ku kala saari jiray , laguna wada qanacsanaaa .
Arrintaasi waxay muujinasaaa qofkii illaahay raali galiya in dadka oo dhana isaga raali ka ahaanayaaan .
Sheekh Muxumed Gaboobe waxa kale ooo hayay xilka sheekhul baladka Gabiley iyo Imaamka Masjid Jaamaca Gabiley oo uu khudbada ka akhriyi Jiray , waxa na la sheegaa sheekhuu marka uu khudbada bilaabo in dadka uu ka qiiraysan jiray oo dadka oo dhan ay aad u khushuucaan .
Waxa la waydiiyay sababta dadka qaar loo khushuuco dadka qaar na aan wax khushuuca aanay dadku galin .
Sheekhu waxa uu ku jawaabay waa taqwada iyo alla ka cabsiga qofka ku jira waayo qalbigiisa Iimaanka ayaa buuxiyay sidaa darteeed dadka Saamayn ayuu ku yeelanayaa .
Xaga wax bixinta Gashiga iyo Qaadhaanka tolka ee qof baahan wax loo ururinayo ama qaadhaanka kale ee xigtadiisa aad buu u jeclaa , oo xataa wiilkiisa C/samad Sh , alaaya raxma , oo Buulo Xaawo (koonfurta Soomaaliya ) daganaa oo meherado ku lahaa waqtigaa , ayuu ka bixin jiray , maadaama uu wiiilkiisu dhul kale ku maqan yahay , isagoo khayr ka iyo wanaaga iiyo sadaqada la jeclaysanayay .
Sheekhu waxa sidoo kale uu guursaday xaaskii 5aad , Maryan oo akhisho ahayd , waxay u dhashay 4 hablood , 1. Aamina 2. Khadra 3. Gudoon iyo 4.Samsam .
Sheekhu waxa sidoo kale uu ahaa Macalin wayn oo culumo badan oo reer Gabiley ah ka faa’ideen , wax na u dhigi jiray .
Waxay ugu iman jireeen Saawiyada , waxay ahayd xafiiska sheekha , oo mar xukunka lagu qaado , mar na digriga illaahay lagu xuso , oo kutub ta iyo tafsiirka ugu akhriyi jiray hadba dadka markaa la jooga .
Sheekh Muxumed Gaboobe waxa ay aad iskugu xidhnaayeen Adeerkii Xaaji CABDI CAAMIR oo ahaa ganacsade iyo oday arimaha Deegaanka wax laga waydiiyo .
Xaaji Cabdi Caamir , waxa uu qayb ka ahaa inuu Sh Muxumed soo dago dalka oo dib ugu soo noqdo .
Xaaji Cabdi waxa loo sheegay in xoolihii iyo Baabuurtii sh Muxumed la dhacay , iyadoo dagaalkii 2aad ee adduunka ee dowlahada reer galbeedka ka dhaxeeyay sida Talyaaniga iyo Ingiriiska waqti ku beegnayd 1940’s, oo deegaankaa Nagayle na uu ka dhacay , iyo sidoo kale wiilkiisii la dilay ,alllaaaya raxma , Xaaji Cabdi waxa uu u diray Yuusuf Habane inuu Sheekha la soo raro reeerka , sidii baanu ku yimid , isagoo Xaajigu marka hore ba jeclaa inuu Sheekhu dalka yimaado .
Xaaji Cabdi waxa uu soo dhaweeyay Sh Muxumed , waxa na uu Ingiriiskii dhulka haystay ka dhaadhiciyay maadaama xaajigu ka mid ahaa odayashii aas aasay Gabiley , Infiriiskuna wax ka waydiin jiray deegaankasi , inuu Sh Muxumed Gaboobe ku haboon yahay Xafiiska Shareecada ee deegaanada Gabiley , Wajaale iyo Boorama sida meherka , dhaxalka , dadka la xaqayo ee dhib kala gaadho iwm ..
Sh muxumed Gaboobe sidoo kale aad buu I ixtiraami jury .
Waxa sidoo kale Sheekh Muxumed Gaboobe ay aad saaxiib u ahaayeen Sheekh Muxumed Warsame (sh Muxumed Yare ) .
Waxa dhacday in niman deegaanka ahi xoolo u keeneen Sh Muxumed Warsame oo ay siyaarteen si uu ugu duceeyo , waxa uu u sheegay inay Sh Muxumed Gaboobe siyaartaan oo ka ducaystaan , oo uu isagu ka cilmi badan yahay . Sidii bay yeeleen , sheekhuna wuu u duceeyay .
Maalin maalmaha ka mida , sh Muxumed Gaboobe isagoo Saawiyadiii fadhiya oo niman odayaal ahi na la fadhiyaan oo ay kamid ahaayeen Muxumed Habane , Sh Yuusuf , Maxamed Muxumed Cumar , ayaa nin suufi ahaa oo dadkan xaga maskaxda ahaa u soo galay , markaasuu ku yidhi , sh Muxumedow adduunyadii Gacantaa midig baan ku hayaa ee ma rogaa , markaasuu sh Muxumed Gaboobe ku yidhi , maya adeer ha rogin ee hoo lacagtan iyo Jaadkan oo iska daa , markaasuu farxay ninkii suufi ga ahaa oo iska tagay , dabadeed waxa lagu yidhi Sh Muxumed Gaboobe , maxaad dadka u lu’goynasaa ee aad ninka waalan uga dhigtay ninka gacan tiisa wax ku haya oo dunida rogi kara , dadka ayaa awliyo u qaadan kara ;
Sh Muxumed Gaboobe waxa uu ku jawaabay , illaahay ayaa maalinta qiyaame I waydiin , addoon kayga maxaad uga nixisay , ee maxaan ku jawaabi .
Sheekhu nin sidaasuu ahaa , nin dad ka ilaa xad illaaliya niyadooda ayuu ahaa , dadkuna u siman yahay .
Guntii iyo Gabagadii , Sh Muxumed Gaboobe , allaaya raxma , waxa uu ahaa Caalim wayn oo diinta iyo cilmiga shareecada meel sare ka gaadhay , hibo iyo balaaqo na u lahaa khudbada iyo khadiibnimada , caadil ah , waxana aynu taariikhdan ka barananaa sidii uu u ahaa shaqsi dadka soo dhaweeya , u naxariista , ilaaaliya niyada dadka .
