Abtirsi
Cumar Jibriil Abokor
Waxaa ku Daray: James DahlXasuso Shaqsigan
Cumar Jibriil Habar jeclo waa beel ka mid ah beelaha Somaliland
waxa Ka dhashay rag badan oo magac leh sida Taajirkii weeyna ee loo dilay Somaliland darteed Shahiid Qaasin Qodax waxa kalo ka dhashay ninkii u horeeyay ee muhandiska ahaa ee gaadhi caadi ah qori saara tiknikona u badala Shahiid Maxamed axmed Guutaale SNM. waxaa ka dhashay ninka Sportska ugu caansan dunida Orodyahankii hore ee Somaaliyeed Coach Jaamac aadan Karaaciin, waxa ka dhashay Abwaanka, fanaanka, Majaaajilaystaha, Jilaaga weeyn ee Faarax murtiile waxa ka dhashay wasiirkii mujaahidintii SNM-na ka mid ahaa dawladdii riyaale wasaaradaha badan ka qabtay muj Cismaan Qaasin Qodax iyo rag kaloo badan oo aynaan soo koobi karin waa beelihii dalkan Somaliland xoraynteeda qaybt laxaadka leh ka qaatay, degaanada ay degaan waxa weeye gobolka Saraar oo ay degaan 50% boqolkiba 50 waxay sidoo kale degaan gobolada Saaxil, togdheer, Sool, waa beel lagu sheego inay yihiin geesiyiin Adeerkood Cumar Jibriil oo aan cabsida aqoon waa odhaah caanbaxday marka laga hadlayo Muuse sh. Isaaq Habar Jeclo sidoo kale abwaankii salaan carabay waakii lahaa Gawraarka Cumarkaa Xukuma Galaxyadii buurta, gol iyo garadag reeraha looga kala guuray mar haddaan gundhawrka u tuntumo guuldarra dhicin. abwaan kalena wakii lahaa adyad ulama tago Cumar jibriil Awrkiraaluhuye, Cumar Jibriil waxa uu u kala baxaa Isixaaq Cumar Iyo biciide Cumar Isixaaq cumar wuxu dhalay 3 wiil urursuge isixaaq, ayuun isixaq iyo cali afweeyne isixaaq. urursuge wuxu dhalay 3 wiil Aadan urursuge oo loona yaqaan adaan baale, Cali urursuge iyo maxamed urursuge, ayuun wuxu dhalay 2 wiil reer caraale iyo reer maxamed Guuleed waxay Cumar jibriil isku degaan yihiin isna dhaleen oo ay wiil iyo abtigii yihiin Reer Yoonis sida lagu kala saarana ay adag tahay madaama ay yihiin dad taariikh dheer ka dhaxayso iyo walaaltinimo aad u qoto dheer meel walbana wada dega sidaa Colkii soocane oo ahaa col ka sheegana gobolada bari oo dhan kana koobnaan jiray Cumar Jibriil iyo Reer Yoonis maaha reer aynu taariikhdooda koobi karno intaas yar ayaan ka taabtay. wabillahi tawfiiq.
