Genealogy
Obsiye AMIR BIDDE
Written By: GabobeBookmark this person
Barnaamijka Taariikhda
Taariikhda OBSIIYE CAAMIR
Awoowo OBSIIYE CAAMIR BIDE , Alaaya raxma, waxa uu ahaa curadkii Bahda ugu yare e seddexaad ee ilma caamir , Hooyadi waxay ahayd TOLMOON , Obsiiye waxa uu ahaa nin midabkiisu madow yahay , dhererkiisuna dhexdhexaad yahay , Obsiiye waxa uu ahaa nin dagaalka ku adag , oo geesi ah , hal adayg iyo go’aan qaadasho leh .
Magaca Obsiiye waxa la yidhaa waa BOGSIIYE , Bahda uu curadka u ahaana waxa jiray caruur ka horaysay yaraan ku noqday( SAQIIRAY ) , taa badalkeena HOOYADII waxay u bixisay OBSIIYE .
OBSIIYE waxa uu Guursaday laba dumara : 1. HABSAN oo u dhashay a) MAXAMUUD OBSIIYE b) CABDI OBSIIYE c) YUSUR OBSIIYE d) FAADUMO OBSIIYE ( waa SULDAAN IBRAAHIM JAAMAC SAMATAR Hooyadii ) e) MUUSE ( BURGAL ) waxa uu ku dhintay Doobnimo , iyo hablo kale oo aanan magacooda helin .
2. Gabadha labaad waxay ahayd CIBAADO oo waxa eddo u ahayd HABSAN oo waa loogu xigsiisamay markii ay geeriyootay allaaya raxma HABSAN oo xaaskii hore ahayd , labada dumar ahi waxay ahaayeen reer NUUR , SAMAROON . Cibaado waxay dhashay DAAHIR OBSIIYE , DAAUUD OBSIIYE , XALIIMO OBSIIYE , CAASHA OBSIIYE , XAWA , DHUUX .
OBSIIYE CAAMIR waxa uu ahaa Dagaalyahan , markii beeraha shabeelle la qaybinayay waxa ardaaga iyo beesha koonfureed la mariyay beertii OBSIIYE si aan madaha iyo beeraha loo soo durkin oo ninka adag beertiisa wuu ilaashanayaa , sidoo kale C/LAAHI XIRSI CAAMIR ayaa isna lamid ahaa oo sidaa oo kale beertiisa dhinaca koonfureed laga gooyay oo laga siiiyay .
OBSIIYE marka uu arin uu ka dhiidhiyo ama ka biyo diido ama ka xanaaqo uu arko waxa uu hal hays u lahaa “Jijii” , markaa walaaladii iyo ilmaadeeradii waxay dareemi jireen in arinkaa meel adag iska taagay OBSIIYE .
Tafiirtii OBSIIYE Group ka FACEBOOK ga waxa ku jira XAMSE DAUD OBSIIYE(Hargaysa) iyo MUKHTAAR CABDI OBSIIYE(Holland) iyo MUKHTAAR CALI MAXAMUUD OBSIIYE (GERMANY ) .
Diyaariye : C/karim Maxamed Muxumed .
Alla mahadleh .
