Genealogy

  1. Hirsi
  2. Son of AMIR
  3. Son of BIDDE
  4. Son of NOUR
  5. Son of Lodon
  6. Son of Had
  7. Son of Ali
  8. Son of Adan
  9. Son of Urkurag
  10. Son of Yonis
  11. Son of Jibril
  12. Son of Abokor
  13. Son of Ishaq
  14. Son of Saad
  15. Son of Muse
  16. Son of Subeir
  17. Son of Abdalrahman "Habar Awal"
  18. Son of Sheikh Ishaq
  19. Son of Ahmed
  20. Son of Mahamed

Hirsi AMIR BIDDE


Bookmark this person



Father: AMIR BIDDE NOUR

Barnaamijka Taariikhda
Awoowo Xirsi Caamir oo ku magac dheeraa xirsi cayngal waxa uu ahaa curadkii Caamir Bidde , waxa uu ahaa nin geesi ah , nin dagaalyahan ah , nin aan dhiniciisa dhulka la dhigin , waxa uu ahaa ninka marka uu weerar qaado aan libta iyo guusha laga la hoyan , waxa uu ahaa nin calool adag oo cadow ka badan ku dhiirada inuu ka hortago , nin aan gabashada aqoon . waxa uu ahaa nin taariikho badan oo xaga dagaalka sameeyay. Hooyadii waa Dahabo oo Cabdala Abokor ah , Xirsi caamir waxa uu dhalay :

1.AW ISMAACIIL XIRSI 2. DAAHIR XIRSI 3. XUSSEEN XIRSI 4. C/LAAHI XIRSI 5.YUUSUF XIRSI 6.IBRAAHIM XIRSI 7.CAWO XIRSI 8.KAAHIMAN XIRSI 9.CANBARO XIRSI 10.SHIFO XIRSI iyo Hablo kale oo dhowr ah oo u dhaxay Axmed Cabdale , Akisho iyo Samoroon.

1. Aw Ismaaciil Xirsi : waxa ka tafiirmay Cismaan(Budul) alllaaya raxma oo tafiirtiisii manta joogto , inamadiisii qaar waxay joogaan Hargaysa iyo Gabiley , xaaskii iyo caruurta qayb kamidi waxay daggan yihiin Shabeelle iyo reerka . iiyo Muxumed(Afyare) allaaya raxma oo wiilkiisa Mahad uu daggan yahay Gabiley , Macalina ka ah dugsiga hoose dhexe ee New Gabiley . Xalwo Aw Ismaaciil xirsi waxay u dhaxday GurGure , Xabiiba Aw Ismaaciil Xirsi waxay u dhaxday Madigaan , Deeqa aw Ismaaciil .

2.Daahir xirsi : Tafiirtiisii waxay u badan yihiin wajaale iyo Galbeedkeeda oo waxay la dagaan Samoroon oo reer abtigood ahaa .

3.Xusseen xirse(xusseen dheere) : Waxa ka tafiirmay Cismaan Shiine , Xasan Xusseen , Maxamuud Xusseen(Cabdi Qorane aabihii) .

4.C/laahi xirsi : waxa ka tafiirmay Nuux , oo daggan Dhaboolaq oo hargaysa koonfur ka xigta , halkaa ayaanu beero ku leeyahay .

5.Yuusuf Xirsi : waxa ka tafiirmay Xasan Yuusuf oo jooga Wajaale iyo nin kale oo ingiriiska jooga

6.Ibraahim Xirsi (Ibraahim Cayuun) : Waxa ka tafiirmay Cismaan Jiilaal.

7.Cawo xirsi : waxay u dhaxday Samoroon , waxay dhashay ilma c/laahi caalin oo reer Gabiley ahaa , wiilkeeda Muxumed C/laahi Caalin waxa uu guursaday Mako axmed Dhinbiil oo inaabtidii ah.

8. Kaahiman Xirsi : waxay u dhaxday Toljecle , waxay dhashay Qaasim aw Muxumed iyo eng Cismaan aw Muxumed oo USA jooga , halka Aw Muxumed na ay dhashay Culus Caamir.

9.Canbaro Xirsi : waxay u dhaxday Ugaadhyahan , tafiirteediina Geedbalaadh bay ku dhaqan tahay.

10.Shifo xirsi : waxay u dhaxday Axmed Cabdale oo koonfurta Hargaysa deegaankoodu yahay.

Waxa jiray Hablo kale oo ilma xirsi ahaa oo u dhaxay Axmed Cabdalle , Akisho , Samoroon .
Tafiirta xirsi caamir waa tafiirta ugu badan ee Caamir ka tafiiran tay xaga tirada.

Xirsi Caamir waxa uu ahaa nin taariikh da xaga dagaalada ku caan baxay , Bari baa waxa dhacday inuu Laba Faras oo qurux badan uu arkay , 2 faras na waxa lahaa beel balaadhan oo Ogaadeen ah , waxa uu damcay inuu 2 faras soo kaxaysto , habeeenkii baa isaga iyio nin kale muskii reerka soo fadhiisteen , muskii Geella , dabadeedna hashii ninka Geel jiraha ahi ka lisayay uu dareemay in hashu wax aragtay oo hareeraha daymootay , markaasuu yidhi candhadeed go’day ma xirsi cayngal bay arkasaa , markaasuu warankii ku dhuftay , taahii ninkana reerkii ku soo yaaceen , isaga iyo ninkii la socday aya dhinaca kale ka waraeegay , laba faras na reerka badhtankiooda ayay ku xidhnaayeen , markaasay xadhigii ka fureen oo ku boodeen sidii baanay 2 faras ku kaxeeyeen , soomaalidii hore na fardaha waxay ahaayeeen Gaadiidka ay isticmaalaan .

Written By: Gabobe

Children born by ???
  • Ismaeil Hirsi AMIR
  • Siblings (mother not known)

    1. GABOBE AMIR BIDDE
    2. Omar AMIR BIDDE
    3. Geile AMIR BIDDE
    4. Dhimbil AMIR BIDDE
    5. Obsiye AMIR BIDDE
    6. Olow AMIR BIDDE
    7. H. ABDI AMIR BIDDE
    8. ULUS AMIR BIDDE
    9. HAWA AMIR BIDDE


    You have to be signed in to add children or details