Abtirsi
GABOBE AMIR BIDDE
Waxaa ku Daray: GabobeXasuso Shaqsigan
lagu duugay FIIQ Ethiobia
Barnaamijka Taariikhda
GABOOBE CAAMIR
Awoowo Gaboobe Caamir waxa uu la dhashay 8 wiil iyo 2 hablood , Hooyadii waxay ahayd BOOKHO , Waxa ay isku bah ahaayeeen labada hablood , waxa uu ahaa bahda Dhexe , GABOOBE CAAMIR waxa uu guursaday laba dumara : MUSLIMO oo u dhashay SH MUXUMED , XASAN , ISMAACIIL , MARYAN iyo DHUUX . MUSLIMO waxay ahayd Bah-gobo. . caruurta Gaboobe waxa tafiirmay SH MUXUMED , XASAN , DHUUX iyo MARYAN . Wiilka 3aad ee ISMAACIIL , Allaaya raxma dhamaantood , waxa uu ka tirsanaa ciidamadii uu qaatay Ingiriiska ee la geeyay Wadanka PARMA , halkaasuu ISMAACIIL GABOOBE ku dhintay , ISMAACIIL waxa uu ahaa nin xoogbadan , orodyahan ah Gabayaa ah , waxa na uu ka gaadhay darajo fiican waqtigaa Ingiriisku uu qaatay , waxana uu ahaa ragii ugu darajada sareeeyay.
Gaboobe waxa uu ahaa nin gaaban , waxa uu ku shaqaysan jiray inuu Hadhuudhka ka ganacsado oo uu rog-rogi jiray .
Sh Muxumed Gaboobe Caamir waxa uu Diinta iyo Cilmiga ku bartay oo tagay Deegaanka Nagayle ee u dhaxeeya xadka KENYA IYO ITOOBIYA , halkaa ayuu sh Muxumed waxa sidoo kale ay ka bilaabeebeen Ganacsi , Ganacsigiina meel fiican ayuu u gaadhay , Sh Muxumed waxa uu soo siiyay Dhaqaale fiican Aabihii , mar uu u tagay, dabadeedna Gaboobe waxa uu ku guursaday xaaskii labaad Gobolka FIIQ ee deegaanka Ogaadeenka , waxana loo dhisay CUTUB oo Ogaadeen ah , waxay u dhashay Gabadh , laakiin Inantaa iyo Hooyadeed way dhinteen , Gaboobe na Alla ha u naxariisto dhamaantood ba , halkaa ayuu ku xijaabtay , Gobolka FIIQ .
Sh Muxumed Gaboobe waxa uu ka mid ahaa Culumadii waawaynayd ee Gobolada Galbeedka Somaliland ugu caansanayd , waxana aynu ka soo diyaarin insha alah barnaamij taariikheed oo mug wayn .
Alla ha u naxariisto waalidkeen intii dhimatay , inagana insha alah ha inooga daba naxariisto .
Mahadsanid .
