Genealogy
H. ABDI AMIR BIDDE
Written By: GabobeBookmark this person
Barnaamijka TAARIIKHDA
Taariikhdii XAAJI CABDI CAAMIR : part I
Waxaynu barnaamijkan taariikhda tafiirta Caamir hore ugu soo qaadanay Awoowo XIRSI CAAMIR , maantana waxaynu ku soo qaadananaa Insha alah Awoowo Xaaji CABDI CAAMIR allaaya raxma dhamaantoood .Barnaamijkan waxay ku soo qaadananaa insha alah dhamaan dadkii tafiirta meel uun ka soo gala dhinaca aabaha iyo dhinaca hooyada labadana , si ay isku bartaan dadka riximka iyo ehelka ah …….
Taariikhdu waxbay hagtaaa
Dadku na wuu haybsadaa
Xaaji Cabdi Caamir waxa uu ahaa gura danbayskii(wiilkii ugu yaraa) ee CAAMIR BIDDE , Hooyadii waxay ahayd Tolmoon , oo MADIGAAN , CIISE WAYNE ahayd, CABDI CAAMIR waxa uu dugsigii quraankiisa ku soo qaatay magaalada HERER ee dalka Itoobiya halkaa oo loo doonan jiray diinta iyo quraanka , markii uu quraanka soo dhamaystay Xaaji CABDI CAAMIR waxa uu soo dagay deegaanka JAMEECADA ee duleedka magaalada GABILEY halkaa oo uu ka bilaabay nolol cusub , waxa uu beertay beer mudo laba sano ah , dalagii uga soo baxay beertana waxa uu ku bilaabay GANACSI oo waxa uu hadhuudhkii beerta u iib gayn jiray magaalada SAYLAC wixii alaaba ee u ku soo badashana waxa uu ku soo celin jiray magaalada GABILEY , halkaa ayuu ka bilaabay xaaji CABDI ganacsigii ugu horeeyay ee uu sameeyay SAYLAC-GABILEY , marka uu magaalada SAYLAC tago waxa uu ku dagi jiray Islaan reer HALAS XAAD ah oo QAYRO la odhan jiray oo reer saylac u dhaxday , Islaantaasi wax caruuura may lahayn , markii da’deedii waynaatay waxa uu Xaaji CABDI soo qaaday QAYRO oo waxa uu ku hayn jiray guryihiisii uu ku lahaa GABILEY . Xaaji CABDI waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee aas-aasay magaalada GABILEY , waxa uu ku lahaa maqaaxi iyo Tukaan , waxa uu ganacsiyo kale ka sameeyay magaalooyinka WAJAALE iyo HARGAYSA , waxa uu ahaa MAAYAR kii ugu horeeyay ee magaalada GABILEY , markii uu Ingiriisku uu dhulka soo dagayna waxa uu ka dhigay inuu Xaaji CABDI noqdo maamulka iyo maayarka magaalada GABILEY .
XAAJI CABDI CAAMIR waxa uu ahaa nin ku wanaagsan xaga deeqda iyo dirir ta iyo Dooda .
XAAJI CABDI waxa uu ku sifoobay 3 da qaybeed ee raganimada lagu sifeeyo ama qiimeeyo sida : 1. II DHIIB(Gacan furnaan) 2. IGA DHAW ( iga celi ama qof wax kaa celin kara) 3 II DHEH ( hadal toosnaan iyo inuu qof ka gartiisa siiyo ama wixii hadal ah ee uu kugu garab galayo ).
Waxa uu ahaa allaaaya raxma ee qof magaciisa dadka lagu tix galiyo , magaca manta reerku leeyahay na nin in badan saami ku leh oo magac iyo milgo ba u soo hooyay dad badan oo maanta magacaa tix galiyaana uu abaal u galay , waxa uu ahaa nin oday ah oo Gabiley iyo deegaanada hoos yimaada arimahooda wax laga waydiiyo , arimaha Yoonis Jibriil ama xaad Cali iyo arrin kasta oo la gudboon , waxa uu ahaa nin weedheeda iyo ficilkeeda ka gaysta ……
XAAJI CABDI CAAMIR waxa uu ahaa shaqsigii ugu saamaynta badnaa ee qarnigii 20aad , ee tafiirta CAAMIR .
Xaaji cabdi caamir waxa uu guursaday 5 Haween ah …….
La soco qaybta dambe ………
Barnaamijkan in badan waxaan ka soo xigtay
Awoowo Xusseen xaaji Cabdi caamir iyo Aaabo maxamed muxumed Cumar
Aariikhdii XAAJI CABDI CAAMIR …. Part II
Taariikhdu waxbay hagtaa
Dadkuna wuu haybsadaa
Xaaji CABDI CAAMIR waxa uu ahaa nin dheer oo quwad iyo awood ilaahay u dhaliyay , midabkiisu wuxuu ahaa maariin dub qabsan oo madow xiga , sida la ii sheegay waxa uu u eekaaa wiilkiisa SICIID Xaaji Cabdi iyo inantiisa Marwo KHADRA XAAJI CABDI , ilkaha waxa uu kulahaa dabar yar oo cas .
Dhalinyaradii waqtigaa ee uu xaajigii soo gaadhay ee xaga reerka iyo juuqda waxa ay ku heesi jireen marka ay ciyaarayaaan :
Intaan xaajigii xabaal galin
Ninkii kibra waaa kabaynaa
Waxay muujinasaaa ilaa xad sida xaaji cabdi la iskugu halaynayay ama kalsoonida lagu qabay.
Xaaji cabdi waxa uu ahaa nin magaciisa dadka lagu tix galiyo oo deeqsi iyo raganimo iyo aftahanimo isku darsaday .
XAAJI CABDI CAAAMIR waxa uu dhalay 17 caruur ah oo wiilal iyo hablo leh .
Waxa uu guursaday 5 haween ah.
1. DHOOL : oo reer shirdoon ahayd waxay dhashay XALIIMO , oo u dhaxday baha CUMAR , oo ilma ciise kibaar dhashay , waxaanay AYEY u tahay caruurta Mujaahid MAHDI CALI BIDHIIDH iyo caruurta Mujaahid XASAN YOONIS HABANE , labaduba hablo ay XALIIMO XAAJI CABDI DHASHAY oo ilma ciise kibaar ah ayay guursadeeen .
2. AAMINA : oo Samoroon – Aaadan Yonis ahayd waxay dhashay
a) YUUSUF Xaaji –allaaya raxma b) MAXAMED Xaaji -Hargaysa c) CISMAAN Xaaji –Shabeelle iyo QODAALka d) Eng MUXUMED Xaaji -Hargays e) KHADRA Xaaaji –Hargaysa f) SAFIYA Xaaji -Hargaysa g) BASHIIR Xaaji –USA
3) FAADUMO : oo Cabdala abokor ahayd waxay dhashay
a)x-xildhibaan XUSSEEN Xaaji-Hargaysa b) AXMED-DAAHIR Xaaji –allaaya raxma c) Dr NUUX Xaaji –Sheikh Vetenary school at Sheikh d) CAASHA Xaaji – Hargaysa e) MARYAN Xaaji – Hargaysa
4) SHAMIS-oo XUSSEEN ABOKOR –Gadiid ahayd waxay dhashay :
a) MAXAMUUD Xaaji-allaaya raxma b) CABDILAAHI - USA c) RASHIID – allaaya raxma d) SICIID Xaaji –Hargaysa
5) INA AW AXMED FURRE oo AKISHO –WARAKIYO ahayd caruurtu way ka saqiireen
Allah naxariistii jano ha ka waraabiyo xaaji CABDI CAAMIR BIDDE .
Xigasho 1: awoowo xusseen xaaji cabdi
2: aabo maxamed muxumed cumar

Xaaji cabdi caamir waxa uu guursaday 5 Haween ah