Genealogy

  1. AMIR
  2. Son of BIDDE
  3. Son of NOUR
  4. Son of Lodon
  5. Son of Had
  6. Son of Ali
  7. Son of Adan
  8. Son of Urkurag
  9. Son of Yonis
  10. Son of Jibril
  11. Son of Abokor
  12. Son of Ishaq
  13. Son of Saad
  14. Son of Muse
  15. Son of Subeir
  16. Son of Abdalrahman "Habar Awal"
  17. Son of Sheikh Ishaq
  18. Son of Ahmed
  19. Son of Mahamed

AMIR BIDDE NOUR


Bookmark this person


buried in HABAALAHA ILMA DADO

Father: BIDDE NOUR Lodon

Taariikhda Amirs

Taariikhdu waxbay hagtaa
Dadkuna wuu haybsadaa
Maanta waxaynu ku soo qaadananaa barnaamijka taariikhda Amirs , Caamir Bidde Nuur

CAAMIR BIDDE NUUR wuxuu dhalay 10 caruura , 9 wiil iyo 2 hablood oo kala ah
1.Xirsi Cammir 2.Geelle Cammir 3. Colow Cammir 4. Gaboobe Cammir 5. Obsiiye Cammir
6. Dhimbiil Cammir 7. Cumar Cammir 8. Xaaji Cabdi Cammir 9. Culus Cammir
10. Xaawa Cammir 11. Askar Caamir - Askar wuxuu ku geeriyooday isagoo doob ah oo aan guursan , wax tafiira kamay hadhin .
CAAMIR waxa la dhashay oo walaalo ahaayeen CALI BIDDE iyo DIIRIYE BIDDE , waxa adeer u ahaa oo aabihii BIDDE NUUR la dhashay GEEDI NUUR , CABSIIYE NUUR ,ISMAACIIL NUUR iyo BADEED NUUR .
CAAMIR BIDDE waxa uu guursaday 3 dumara oo kala ahaa 1.DAHABO oo ahayd(CABDALA ABOKOR) waxay dhashay XIRSI , COLOW , GEELLE 2. BOOKHO oo ahayd(BAH GOBO) waxay dhashay GABOOBE , CULUS iyo Xaawa 3. TOLMOON oo ahayd (MADIGAAN-CIISE WAYNE) oo dhashay DHIMBIIL , OBSIIYE , CUMAR iyo Xaaji CABDI iyo ASKAR .
CAAMIR BIDDE wuxuu ahaa nin Daggan , Qalbi wanaagsan , dad jecel , naxariis badan ,dadka xidhiidhiya , Qabow , aan dhib badnayn , tolka jecel , sama ka talis ah .
CAAMIR BIDDE hooyadii magaceeda lama hayo oo maan soo helin lkn waxa abti u ahaa MADIGAAN.
waxay ahaayeen dad reer GUURAA ah oo hadba meel daga lkn CAAMIR waxa uu ahaa ninkii qabtay guriga AYAR-DAGA iyo BEERAHA SHABEELE , inamadiisiina isagaa u qaybiyay beeraha shabeelle ee manta reerku daggan yahay.
CAAMIR BIDDE waxa uu ku Aasan yahay allaaya raxma , deegaanka ILMA-DADO oo waqooyi ka xigta magaalada KALABAYDH ee GOBOLKA GABILEY.

La soco barnaamijyada dambe…..
Mahadsanid.

Written By: Gabobe

Barnaamijka Taariikhda :
Taariikhdu waxbay hagtaa
Dadkuna wuu haybsadaa

Barnaamijka qaybtiisii 1aad waxaynu ku soo qaadanay taariikh dii caamir Bidde , waxana aynu so wadnaa taariikhda tafiirtii 10 qof ee uu dhalay 8 wiil iyo 2 hablood . Waxaan ku bilaabi doonaa Xirsi Caamir (xirsi cayngal)oo ahaa curadkii Caamir , todobaadkiina xubin ka mida ayaa soo bixi doonta ; Xaji Cabdi , Gaboobe , Colow , Cumar , Obsiye , Culus , Dhinbiil, Geelle iyo Habsan, waxa ku xigi doona dadkii ka sii tafiirmay oo aynu soo qaadan doono dad taariikh iyo magac sameeyay oo labada dhinac hooyada iyo aabaha labada ba aynu soo qaadan doono ,sida sh muxumed gaboobe , mujahid axmed axmed aw faarax colow( Dhuxul) , xusseen xaaji cabdi , Dahir obsiye , suldaan ibrahim jaamac samater , caaqil maxamed jaamac , clonnel/eng cismaan aw mucumed , eng muxumed xaaji cabdi , marwo xaliimo cabdi obsiye , marwo maryan sh muxumed gaboobe , kamaal maxamed aw faarax , idiris daauud muuse(idiris afrika) , saleban xasan gaboobe , Dr nuux xaaji cabdi , ina yusuf xirsi , mustafe aadan (mustafe kibaaro ) kkk dadku way badan yihiin halkana kuma soo koobi karo , ilaa idinka ayuu idin soo gaadhayaa , waa barnaamij mudo socon doona insha alah.
Ilaa laga soo gaadho xubnaha dhalinyarada ee aqoonta leh ee ilmaabtiyaday iyo ilmaadeeraday ee group ka ku jira.
Waa barnaamij inta aanu heli karno xog ku salaysan xaqiiqada ku soo bandhigayno oo buunbuunin aan lahayn . Dad kala duwan ayaana la xidhiidhnaa si loo xaqiijiyo , xubnaha aan kala xidhiidho waxa kamida awoowo Dahir Obsiye Caamir , awoowo xusseen xaaji cabdi caamir iyo aabo maxamed muxumed cumar oo in badan taariikh badan ka ururiyay odayaashii reerka sida muxumed habane alla ha u naxariistee oo ahaa shakhsi taariikhda ugu badan hayay iyo awoowo yuusuf xaaji cabdi caamir allaaya raxma , iyo adeero axmed sh muxumed gaboobe , waxa isaguna taariikhdaa wax ka haya adeero ciise axmed dhinbiil lkn iimay suurto galin inaan telephone ku helo.
Taariikhda xirsi caamir iyo tafiirtiisa coming soon insha allah.

Written By: Gabobe

Children born by ???
  • GABOBE AMIR BIDDE
  • Omar AMIR BIDDE
  • Geile AMIR BIDDE
  • Dhimbil AMIR BIDDE
  • Obsiye AMIR BIDDE
  • Olow AMIR BIDDE
  • Hirsi AMIR BIDDE
  • H. ABDI AMIR BIDDE
  • ULUS AMIR BIDDE
  • HAWA AMIR BIDDE
  • Siblings (mother not known)

    1. Ali BIDDE NOUR
    2. Diriye BIDDE NOUR


    You have to be signed in to add children or details